Madasha Xisbiyada oo ka hortimid Go’aan ay gaareen Xukuumadda xil-gaarsiinta ah

Hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa caddeysay mowqifkeedka ku aadan xubnaha Golaha Adeega Garsoorka ay magacaabeen Golaha Wasiirada dowladda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in hab-raaca loo magacaabay Magacaabista 5-ta xubnood ee Golaha Adeega Garsoorka dalka ay baal-marsan tahay Dastuurka KMG ah ee dalka ku yaalla.

Madasha Xisbiyada ayaa sheegtay in Xukuumadda hada jirta ay tahay mid xil-gaarsiin ah, isla markaana aysan laheyn awood sharciyadeed oo ay ku qaatan Go’aano masiiri ah, kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii dalka Kheyre.

Sidoo kale Madasha ayaa Madaxweynaha uga digtay inuu wareegto kasoo saarin 5-ta xubnood ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ilaa iyo inta laga waafajinayo Dastuurka dalka.

Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Golaha Wasiirada xil-gaarsiita ah ugu baaqday inay ku ekaadan socodsiinta howlaha caadiga ah ee Xukuumadda inta laga magacaabo Ra’iisul Wasaare Cusub.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Comments
Loading...