Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Sh Axmed ayaa beenisay in kulan uu dhexmaray Madasha iyo Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee lagu dhisay Shirkii Dhuusamareeb, kaasi oo la sheegay in looga hadlay Doorashada.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madashu Shirka Dhuusmareeb 3 ay ka fileysay inuu nqodo fursad ay isugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxda DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada, hayeeshee taas ay u muuqato mid aan uura-gal aheyn.
Madasha Xisbiyada ayaa Madaxda uu shirka uga socdo Magaalada Dhuusamareeb ugu baaqday inay qadariyaan marxalada dalka uu marayo, ayna u istaagaan xal u helida xaaladda siyaasadeed dalka ee murugeysan.
Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada ayaa tacsi u dirtay dhammaan Ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka Elite ee xeebta Liido, waxaana kuwa ku dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad Deg-deg ah.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada.