Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka ku wareejisay Hey’adda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland
Agabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo xarunta ka digista halisaha ayaa waxaa iska kaashaday Hey’adda Wasaaradda Gargaarka, WFP iyo mu’asaasadda King Salman ee Boqortooyada Sacuudiga
Munaasabadda wareejinta agab-xafiiseedka ayaa ka dhacday xafiiska Hey’adda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad-Gobaleedka Puntland ee HADMA.
Wafdi ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uuna hoggaainaya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Masuuliyiinta HADMA Ku wareejiyay Qalabka xarunta.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooylinka DFS Xildh. Cabdirashiid Maxmuud Xasan ayaa si rasmi ah agabka ugu wareejiyay maareeyaha hey’adda HADMA Md Cabudullahi Cabdiraxman Ceeroow.