Madaafiic laga maqlay deegaanka Tukaraq & Madaxweynaha Soomaaliland oo ku wajahan…

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankas lag maqlay jugta dhawaqa Madaafiicda oo ay isku-ridayeen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntlnad.

Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku-horfadhiya deegaanka Tukaraq,waxaana saacadihii la soo dhaafay deegaanka ay labada dhinac ay ku sii daabulayeen ciidamo ad u farabadan taas oo abuurtay xiisad Cusub.

Dadka tirada yar ee ku haray deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in Barqanimadii maanta mar qura ay maqleen dhawaqa Madaafiicda oo ay iksu-ridayeen Ciidamada labada Maamul,ils amarkaana ay cabsi dareemeen.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Tukaraq gaaray boqolaal ka mid ah Ciidamada Puntland iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada Maamulkaas kuwaas oo sheegay in uusan dagaalka kala dhaxeeya Soomaaliland joogsan doonin ilaa Ciidamada Soomaaliland ay ka baxaan Gobolka Sool.

Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay tukaraq isku-weeydaarsadeen Maanta Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland wali lama cadeyn,balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa shalay shaacisay in dagaalka deegaanka Tukaraq ay ku barakaceyn 12 kun oo Ruux,isla markaana loo baahan yahay in labada dhinac ay joojiayan xiisada dagaal.

Madaafiicda ay Maanta deegaanka Tukaraq isku-weeydaarsadeen Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland ayaa imaaneysa xilli la hadal haayo in Maanta deegaanka Tujaraq uu ku wajahan yahay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor