Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska siinaay ee degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir.
Qaraxaan ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay Dalsan u sheegeen in uu ahaa mid Gaari nooca raaxada ah loogu xiray qof watay,isla markaana xilli uu marayay agagaarka Xarunta Dahabshiil uu qarxay.
Laba ruux ayaa qaraxaasi ku dhaawacantay oo uu mid ka mid ah ahaa Darawalkii gaariga oo dhaawiciisa loola cararay oo mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho loola cararay.
Shaqsiga gaariga qaarxa loogu xiray ee ku dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarado ku nool xaafada siinay balse aan ka mid aheyn una shaqeyn dowladda.
Khasaaro ayaa la sheegayaa in uu jiro,waxana Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hakiyey isku-socodka dadka iyo gaadiidka.