Maamulka Sh/Hoose oo bilaabay dadaalo lagu xirayo fatahaada Webiga

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Gobolkaas ka bilaabay qorsho ah lagu xakameynayo fatahada Wabiga Shabeelle uu ka sameeynayo Degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaas.

Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Awdheegle ayaa Jawaano lagu shubay caro ku xiray goobaha uu biyaha Webiga kasoo fatahayo iyo deegaano kale oo laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo webiga.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay inay bilaabeen sidii ay u xakameyn lahaayeen fatahada uu Gobolka sameenayo Wabiga Shabeelle.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Shabeellaha Hoose ayuu Guddoomiye Najax ugu baaqay inay is gargaaran, isla markaana si wadajir ah loola tacaalo xakameynta fatahaada.

“Waxaan la tacaaleynaa sidii aan u xakameyn laheen fatahada uu samenayo Wabiga Shabelle, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Awdheegle ayaa wada dadaalo lagu xirayo biyaha fatahaada. Dhamaan Shacab weynaha Gobolka waxaan ugu baaqaya in ay is gargaaran isla markaana aan wadajir ula tacaalno xakameynta fatahaada” ayuu yiri Guddoomiye Janax.

Wabiga Shabeelle ayaa markale waxaa uu fatahaad horleh ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana fatahaadaas ku geeriyootay laba Caruur ah, isla markaana dad kunool halkaas ay ka barakaceen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media