Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daqiiqado kahor waxaa ay Israsaaseyn muddo kooban socotay ay ku dhexmartay qeyb kamid ah Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Israsaaseynta ayaa dhexmartay Ciidamo ka tirsan Booliska iyo kuwa Milateri ah, waxaana falkaas uu yimid, kadib markii Ciidamo Milateri ah oo gaari nooca raaxada ah ku watay qaad ay isku dayeen inay xoog ku marayaan Bar koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah, hayeeshee laga diiday tallaabadaas.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Israsaaseynta oo socotay daqiiqado kooban uu ku dhintay Sarkaal la xusay inuu ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda, kaasi oo la socday gaariga qaadka siday.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Milateriga ahaa ee gaariga ku watay qaadka ay isaga tageen goobta uu falku ka dhacay, isla markaana waxaa la tilmaamay inay doonayeen in ay xoog ku maraan Barta Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidanka Boolika.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan falkaas Israsaaseynta ah eek a dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoona dhowr jeer Ciidanka dowladda ay horey u dhexmartay Israsaaseyn.