Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa Maanta Xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku xiray Taliyaha Booliska Gobolka Cayn ee Puntland.
G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu) ayaa waxaa la sheegay inuu diiday amar ay siiyeen Saraakiisha Ciidanka Puntland,kaasi oo ahaa inuu Isbedel ku sameeyo Taliska Booliska Gobolka Cayn ee Puntland.
Sidoo kale G/sare Ibraahim Cabdi ayaa iska diiday inuu shaqada Eryo Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolkaas,kuwaasi oo la tilmaamay in aysan si toos ah u gudan waajibaadkooda shaqo.
Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Cayn ee dowlad Goboleedka Puntland oo ay uga hadlayan xariga Taliyihii Booliska Gobolkaas G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu).