DEGDEG: Kenya oo shaacisay inay sannadka soo socda xiri doonaan Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho ayaa maanta sheegay in dhamaan Qaxootiga Soomaalida dib loogu celin doono Somalia marka la gaaro bisha May ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Isagoo Tifaftirayaasha maanta kula hadlayey Nairobi ayaa tilmaamay in Dufcadda Koowaad ee Qaxootiga Soomaalida dib ugu laaban doonaan dalkooda bisha November ee sannadkan.

Waxa uu tilmaamay in Xerada Dhadhaab joogaan Unugyo Argagixiso, isla markaana uu ka jiro Ganacsi Sharci-darro ah.

LA SOCO GOOR DHOW FAAHFAAHINTA WARKAN.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor