Cabdi Faarax Juxa “Urur-siyaasadeedka MIDEEYE ee Puntland waa saqiiray”

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka hadlay Qoraalkii kasoo baxay Urur siyaasadeedka Mideeye oo kamid ah ururada Puntland, kaasi oo soo dhaweeyay War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Ururka Mideeye ayaa shaaciyay inuu taageersan yahay qodobada Shirkaas ee looga heshiiyay Doorashada dalka, iyagoo xusay in ururka uu tallaabadaas u arko mid horey loogu qaaday hirgelinta Doorashada 2020/2021.

Qoraal uu soo saaray Juxa ayaa waxaa uu ururka Mideeye ugu baaqay in uu si dhaqsi ah iyo Cudurdaar uga bixiyo qoraalkooda ay ku taageereen shirka Dhuusamareeb 3, isla markaana sheegay in tallaabada uu qaaday ururkaas in uusan ka duwaneyn tallaabadii urur-diimeedka Al-Itixaad ee 1992.

“Haddaan ururku si dhaqso ah cududaar iyo faah-faahin uga bixin qoraalkooda shirka Dhuusamarreeb3 ee dheellitirraantu ka muuqato, kama duwana tallaabadii urur-diimeedka Al-Itixaad ee 1992 ee ku dhamaaday buuraleyda Saliid ee Gobolka Sanaag” ayuu yiri Juxa.

Si kastaba Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Duqa Muqdisho ayaa ku heshiiyay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho dad-ban, hayeeshee waxaa Go’aankaas kasoo horjeestay Puntland iyo Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media