Wararka Caawa naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegaayan in Maamulkaas uu Caawa Ganacsato ku xirxiray Magaaladaas.
Ganacsatada ayaa Maamulku waxa uu ku eedeyay in ay doonayeen in Al-Shaabab u geeyaan lacago Shabaabku u yaqaaanan Zakawaadka.
Ganacsatadan oo u badan kuwa Bakhaarada ku leh Magaalada Jowhar,ayaa markii dambe waxaa la sheegay in mudo kooban kadib lasiidaayay.
In kastoo Masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle iyo waliba taliska Booliska Jowhar aysan ka hadlin Xariga Ganacsatada ayaa hadana wariyayaasha waxa ay soo sheegayaan in Ganacsatadii lasiidaayay.
Horay ayaa Maamulka hir-Shabeelle waxa ay sidan oo kale mudo bil laga joogo u xirxireen Ganacsato ay sheegeen in ay Al-Shaabab kula soo shireen duleedka Magaalada Jowhar,xili ay soo galayeen Magaaladana ay xireyn wallow markii dambe lasiidaayay.
Al-Shabaab ayaa Ganacsatada inta badan ka qaata lacago,iyaga oo ka maqan deegaannada,waxana dhawaan sidoo kale jirtay in degmada Balcad Ganacsatada ku sugan ay duleedka degmadaas Ganacsato kula shireyn.