Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay dagaal waaberigii hore ee saakay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Qoryooleey ee Gobolkaas.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ahaa mid ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Qoryooleey, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dafaalka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Janax oo dagaalka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogga ay ka hortageen qarax gaari oo la doonayay in lagu burburiyo buundada weyn ee degmada Qoryooleey.
Sidoo kale Guddoomiye Janax ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay Qoryooleey Al-shabaab looga dilay saddex dagaalame, isla markaana ay ka furteen hub ay wateen oo uu kamid yahay qoriga BKMka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu tilmaamay in buundada saakay la doonayay in la qarxiyo uu horey maamulka Gobolka dib u dhis ugu sameeyay.
“Ciidamada difaaca degmada qoryooley ayaa ka hortagay qarax gaari la doonayay in lagu burburiyo buundada weyn ee degmada, Maamulka gobolka ayaa horey dib udhis ku sameeyay buundada qoryooley taas oo shabaab horey u burburiyeen, Waxaa shabaab looga dilay dagaalka saddex dagaalame, waxaana looga furtay hub uu ka mid yahay qoriga BKMka” ayuu yiri Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Janax.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay in laba qarax ay ku weerartay Saldhiga Ciidanka dowladda ee Qoryooleey, isla markaana dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta degmadaas.