Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal arroornimadii hore ee saakay duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dad ku sugan Marka ayaa soo sheegaya in xubo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda ee Ceelsaliini, isla markaana waxaa uu dagaal kooban dhexmaray Ciidankii ku sugnaa Saldhiga iyo ragii weerarka soo qaaday.
Weli Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Qoryooleey, iyadoo intaas kadib uu qarxay dagaal Culus oo weli socda.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Al-shabaab ay la wareegeen inta badan gacanta ku heynta Degmada Qoryooleey, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan inay la maqlayo dhawaqa rasaas xoog leh.