Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Kulan Amniga Looga hadlayay la qaatay Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Gobolka iyo Xeer Ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida ee Ciidanka Xoogga.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Saalax Yacquub oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid intiisa badan looga hadlay Amniga Gobolka, sidoo kalena Maamulka uu Digniino kasoo saaray Arrimo kala duwan.
Saalax Yacquub ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay Gobolka Hiiraan kusoo badanayeen rag hubeysan oo Isbaarooyin dhigtay deegaano ka tirsan Gobolka, kuwaasi oo uu sheegay inay dhibaatooyin badan ku haayan gaadiidka iyo shacabka.
Waxaa uu Digniin adeg u diray Saalax Yacquub ragga Maleeshiyaadka ee Isbaarooyinka dhigtay, wuxuuna sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Amar lagu siiyay inay tallaabo sharci ah ka qaadan raggaas.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay in gudaha Baladweyne iyo duleedkeeda aan lagu arki karin cid aan ka tirsaneyn Ciidanka dowladda oo hub Sharci daro ah ku dhex-wadata, isagoo xusay in tallaabo laga qaadi doono cidii lagu arko.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa waxaa uu sheegay in Gobolka Hiiraan aan lagu arki karin gaadiid aan kmaid aheyn kuwa Ciidanka Xoogga ama Booliska ah oo lagu buufiyay Astaanta Ciidanka dowladda, wuxuuna ka digay gaadiidka sida sharci-darrada ah Astaanta Ciidanka loogu buufsaday.
Ugu dambeyntii Saalax Yacquub ayaa shacabka Gobolka Hiiraan uga digay digay inay Garsoor u doontaan deegaanada Gobolkaas ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga.