Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dad barakacayaal ah oo kunool xero ku taalla deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho oo uu kusoo dumay derbi ay ka galeen roobabkii ka da’ay saacadihii lasoo dhaafay.
Debiga soo dumay oo ahaa dhismo horey ayaa waxaa uu ku dhex yaalla Xerada Malable ee deegaanka Garasbaaleey, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in Afar Caruur ay halkaas ku geeriyoodeen, xili ay hoos jiifeen derbiga soo dumay, waxaana la xusay in saddex kamid ah Caruurta ay ahaayeen Gabdho, halka kan kalena uu ahaa Wiil, iyagoona isku qoys ahaa.
Sidoo kale goobta ayaa waxaa ku dhaawacantay Haweeney ku sugneyd, isla markaana dhashay mid kamid ah Caruurta geeriyootay, ayna isku day’ay xiligii uu soo dumayay debiga ay kasoo bixiso, hayeeshee taas ay awoodi weysay.
Dad shacab ah oo ka Agdhawaa xerada ay deganaayeen Barakacayaasha ayaa tegay goobta, iyagoo Debiga soo dumay kasoo hoos bixiyay Meydadka Caruurta oo markii dambe la aasay.
Magaalada Muqdisho iyo duleedka ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay roobab xoogan, kuwaasi oo ay sameeyeen qoys danyar oo ku kala sugan Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.