Maamulka Galmudug oo soo gabagabeyay doorashada Golaha Shacabka

Waxaa galabta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu doortay 3-dii kursi ee u dambeysay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay dhammaan xildhibaannada la doortay, isagoona u rajeeyay inay kasoo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla iyo ka shaqeynta horumarinta deegaannada Galmudug, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

“Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka iyo shacabka Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday in Galmudug ay sii xoojinayso dadaalkeeda dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta Maamulka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor