Aadan Cumar Madoobe Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in dhibatooyin farabadan ay Al-Shabaab ka wadaan Gudaha degmadaas.
Waxa uu shegay in ciidamada Maamulka iyo kuwa Dowladda ay har iyo habeen howlgallo wadaan hadana dhibaatadu ay weli taagan tahay isaga oo tilmaamay in isaga Gurigiisa laba jeer bambaanooyin lagu soo weeraray.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal ku dhawaaqday balse aan waxba ka soo bixin sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladda ay ka dhabeyso howlgalkii ay ku dhawaaqday ee la dagaalanka Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga gudoomiyaha Baraawe adan Cumar Madoobe.