Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa kamid ah wafdigaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jamhuuriyadda Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Soomaaliya,Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM, xubno ka tirsan Golayaasha ka la duwan ee Dowladda.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta si weyn ugu soo dhaweyay Magaalada Baledweyne Guddoomiyeesha,waxaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Hirshabeelle Sarakiisha Ciidamada Dowlada  kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti iyo wafdigiisa ay u soo booqan lahaayeen Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan,halkaasi oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha Hirshabeelle,saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga.