Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo lagu weerarray dhismaha cusub ee garoonka Buula-burde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Qaraxyada oo lagu xiray dhisme cusub oo loogu talagalay dadka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka inay sii maraan ayaa gabi ahaanba dhulka lagu daray sida ay muujinyaan sawiro laga soo qaaday.
Gudoomiyaha Buula-burde Axmed Mahad Nuur ayaa faafahin ka bixiyay qaraxyadaasi lagu burburiyay dhismaha cusub ee garoonka magaalada, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeeyeen.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku dhuftay in degaalamayaasha Al-shabaab ay qayb o kala duwan ay miinooyinka ku xireen, isagoo intaa ku daray in dayac uu ka yimid dhanka Ciidanka ammaanka sugayay ee waar diyaha ka hahay goobaha laga ilaaliyo garoonka la qarxiyay.
Gudoomiyaha Buula-burde Axmed Mahad Nuur ayaa sidoo kale sheegay in wax dagaal ah, ama iska hor imaad ah uusan dhicin, maaddama sida uu tilmaamay ay dagaalamayaashu si qarsoodi ah kusoo galeen gudaha garoonka, kadibna ay dhisamaayasha Miinooyin ku xireen.