Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Caasimadda Abuuja ayaa Maanta kulan la qaatay dhiggiisa Kaduuna ee Nigeria Maalam Naasir Axmed.
Kulanka ayaa markii hore ku saabsanaa is xog-wareysi ah ku aadan labada dhinac iyo sidii wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Maamulada Koonfur Galbeed iyo kan Kaduuna ee dalka Nigeria.
Kulanka kadib Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Maalam Naasir Axmed ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo ku leysan dhinacyo kala duwan oo la isku afgartay.
Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kan Gobolka Kaduuna ee dalka Nigeria ayaa ku heshiiyay Arrimo ay kamid yihiin wadashaqayn, Iskaashi iyo mataaneyn labada dowlad Goboleed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa booqasho ku tagay dalka Nageria, kadib markii casuumad rasmi ah uu ka helay dhigiisa Maamulka Kaduuna ee dalkaas.