Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa War kasoo saaray Go’aankii shalay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen heshiiskii laga Doorashada dalka ka dhaceysa.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Go’aankii lagu ansixiyay heshiiska, wuxuuna tilmaamay inuu aamisan yahay tallaabadan ay tahay mid dhaxalgal u ah dalka.
Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka ayuu Madaxweynaha Galmudug uga mahadceliyay Go’aankii ay qaateen, isagoona xusay in arrintaas ay dalka horseedi doonto qabsoomidda doorasho qaran oo xor iyo xalaal ah.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii labada aqal ay si wadajir ah ugu ansixiyeen heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in tallaabadan ay tahay mid dhaxalgal u ah dalka una horseedi doonto qabsoomidda doorasho qaran oo xor iyo xalaal ah. Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka masiiriga ah oo ay gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horey u soo dhaweeyay Go’aankii shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen heshiiskii laga doorashada dalka Soomaaliya ee 2020/2021.