Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta xilka lagu wareejinayo

Maanta oo Axad ah ayaa waxa la filayaa inuu si rasmi ah xilka ula wareego Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan uu  Madaxweyne Farmaajo, lana siiyay Codka kalsoonida ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la shaaciyay inuu xilka kala wareegi doono ku-simihii xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Guuleed Maxamed Khadar, kaasi oo xilka haayay muddo laba bil, kadib xilka qaadistii Xasan Cali Kheyre.

Golaha Wasiirada ee xilka sii-haya ayaa xalay waxaa loo diray farriimo lagu wargeliyay in Maanta ay dhici doonto Munaasabadda xil wareejinta Ra’iisul Wassaaraha Cusub Rooble, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Warqad u diray Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna ku wargeliyay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo, isla markaana uu siin doono warbixin guud oo ku aadan hadalka ay marayaa dhaqan gelinta howlaha waaweyn ee qeybta ka ah dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Warqada uu Kheyre u qoray Rooble ayaa waxaa uu ku sheegay inuu doonayo in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac u keeni kara dadaaladii loogu jiray horumarinta dalka Soomaaliya, muddadii uu xilka haayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media