Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay Goob fagaaro ah oo ku taalla degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen Saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya.
Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keenay Degmada Kamsuuma, kuwaasi oo daawanayay sida uu xukunka dilka toogashada ahaa u dhacayay, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa xubno ka tirsan Al-shabaab.
Saddexda ruux ee la toogtay oo ahaa rag ayaa waxaa laga soo kala qabtay deegaano ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, waxaana saddexdaas ay kala ahaayeen.
1-Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sana jir ah wuxuu kamid ahaa Ciidamada Bangaraafta ee Mareykanku ku tababaray Balidoogle, waxaana laga soo qabtay wadada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye.
2-Xuseen Max’med Cabdi Arsal oo 20 sana jir ah wuxuu katirsanaa Ciidamada maamulka Jubbaland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ee ka howlgala Baar Sanguuni, waxaana lagu qabtay Jubbada Hoose.
3-Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah wuxuu la shaqeynayay Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose isagoona tababar ku qaaday xerada Kamaga ee gudaha Kenya.
Al-shabaab ayaa sidaan oo kale dhowr jeer xukuno dil toogasho ah ugu fulisay dad kala duwan oo ay u jeediyeen eedeeymo, iyagoona dhawaan Afar ruux ku toogtay deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.