Heyâ€adaha Amaanka ee Dowladda Soomaaliaya ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan dadakii watay gaarigii ku qarxay nawaaxiga Guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho oo ku yaal degmada Xamarweyne.
Waxa ay sheegeen Saraakiisha Laamaha Amnigu in Maalmahaanba ay ku raad joogeen macluumaadka Gaariga siday  qarxaya isla markaana ugu dambeyntii aya gacanta ku dhigeen haseâ€ahaatee uu qarxay iyada oo Ciidanka qaaska u ah Minabaristu ay ku hoowlanaayen.
Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxada Dowladda Fedraalku ay ugu mahadcelinayaan Heyâ€adda Sirdooanka sidii ay u badbaadisay nolosha dada Shacab ahaa oo la doonayaya in lagu waxyeeleeyo Qaraxa.
Ugu dambeyntii waxa ay sheegeen Laamaha Amaanku in ay hayaan dhowr qof oo la sheegay in ay wateen Gaaria Qarxay haatana ay ku socdaan Baaritaaano isla markaana Warbaahinta ay la wadaagi doonaan Macluumadka ka soobaxay.