Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa Qaabilay masuulka Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan.
Kulan Saacado qaatay Wafdiga iyo Madaxweynaha waxay uga wada hadleen Abaaraha, Biya la’aanta, Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka.
Sidoo kale kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Lataliyaashiisa iyo Agaasimaha Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Abaaraha dalka ka jira aya si weyn u saameeyay degaanada maamulka Koofur Galbeed, waxaana tiro dhowr jeer ah ay baaq u direen Dowladda Federaalka iyo hay’adaha ka shaqeeya gar-gaarka bani’aadanimo.