Lafta-gareen oo ka qeyb galay dhaarinta Gudiga Adeega Garsoorka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudiga Adeega Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhowaan Madaxweynaha uu Magaacabay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gudiga Adeega Garsoorka kula dardaarmay inay si cadaalad ah ugutaan waajibkooda shaqo ayna u cadaalad falaan bulshada.

“dowladnimadu bilowgeeda iyo aas-aaskeeda waa garsoor iyo cadaalad hadii cadaalada iyo garsoorka uu galo walaac,baqdin iyo shaki oo uu istaagi waayo dowladnimadu maistaagto, waxaan ubaahanahay dadka reer koonfur galbeed meel waliba ay joogaan inay cadaalad helaan, xukunkaan iyo dowlada koonfur galbeedna ay ka helaan dadka hormuudka unoqonaayo oo larabo inay ka shaqeeyaan waa idinka waxaan idinkula dardaarmayaa inaad howshaas si cadaalad ah aad ugu adeegtaan bulshada”ayuu yiri Lafta gareen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudi Rabi uga bariyey in xilka loo igmaday la garab galo lana fududeeyo howsha adag.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor