Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu Abaal marinayey Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ee soo gebi-gebeyey Qabashada Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku Metelaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Xubnaha Guddiga ee doorashada ka shaqeeyay iyo Xildhibaanda lasoo doortay,isagoo bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashadu.
Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sidoo kale shahaado sharaf mahadcelin ah guddoonsiiyey xubnaha gudiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee (SEIT) Xubno ka socdey gudiga (FEIT) gudiga xalinta khilaafaadka, saraakiisha laamaha Amniga iyo Wariyayasha doorkoodii ay kaga qeyb qaateen doorashooyinkii Golaha shacabka ee Baydhabo iyo Baraawe ka qabsoomey.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa ka mid ah maamulada ugu horreeyay ee soo gaba-gabeyay doorashada labada aqal ee Baarlmaanka 11aad.