Warar dheearad ah ayaa ka soo baxaya Lab wiil oo ka mid ahaa Dhalinyarada Magalada Boosaaso oo xalay lagu dilay Xeebta Magaaladaas.
Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa sida la sheegay Gabaldhicii xalay waxay labadaasi dhalinyarada ah ugu tageen xeebta,iyaga oo dhowr xabadood ku dhiftay.
Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in dabledyii dilkaasi ka dambeysay ay Goobta ka baxsadeen.
Wararka aan saakay heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Puntland ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan xaafadaha ku dhow dhow halka uu dilka ka dhacay ee Xeebta Magalada Boosaaso.
Dilkaan ayaa ku soo aadaya xilli xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka gadoodsan mushaar la;aan ay weerareen Xabsiga Magalada Boosaaso,isla markaana uu dagaal dehxmaray Ciidamada ilaalada ka ahaa Xabsigaas.