Laamaha amniga Cadaado oo Amar la dul-dhigay iyo Cabasho kasoo yeertay

Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado ayaa Laamaha amniga ku sugan halkaas ku amray inay fuliyaan amaro shalay kasoo baxay maamulka Cadaado, kuwaasi oo ku socda shacabka.

Maamulka Cadaado iyo Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa soo saaray amaro looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus, kadib markii shalay dhowr qof halkaas ay ugu dhinteen Cudurka.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Cadaado ayaa waxaa ayaa sheegay in aysan heysan wax gaadiid ah oo ku howlgalaan xiligaan Ciidanka, isla markaana lagu amray inay fuliyaan amarada looga hortego faafida Cudurka COVID-19.

Sidoo kale Saraalka ayaa waxaa uu timid in hal gaari oo ay heysteen Ciidanka uu ka rogmaday xili ay ku guda jireen howlgalo, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Cabasho ay gudbiyeen Taliska Booliska Cadaado aan weli lasoo Jawaabin.

Saacadihii lasoo dhaacay ayaa waxaa Magaalada Cadaado ku geeriyooday dhowr ruux oo qabay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Maanta la filayaa in halkaas dowladda Federaalka ay gaarsiiyo Gargaar Caafimaad.

Comments
Loading...