Laamaha ammaaanka oo Shacabka Muqdisho u diray farriin ku aaddan imaatinka MW Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah uga billaabaneysaa caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Laamaha amaanka ayaa ka dalbaday bulshada Caasimadda Soomaaliya, waxaana laga codsaday inay dulqaad muujiyaan maaddaama la adkeeyay isku socodka guud.

“Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in  ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sug” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay laamaha ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor