Diyaaradda Ethiopian Airlines oo dib u bilaabaysa duulimaadyadii gobolka Tigray

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu weyn ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee ay ku tagi jirtay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, iyadoo la sii ambaqaadayo heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka tahay Midowga Afrika.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay duullimaadyo maalinle ah ay howlgalin doonto laga bilaabo Arbacada ayna kordhin doonto tirada duullimaadyada maalinlaha ah hadba baahida loo qabo.

Shirkadda ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka toddobaadyo ka dib markii uu dagaal ka dhex qarxay bishii Nofeembar 2020 ciidamada federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF.

Madaxweynaha shirkaddan, Mesfin Tasiou, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dib u soo celinta duullimaadyada ay ka caawin doonto qoysaska inay isku xirmaan marka laga soo tago fududeynta ganacsiga iyo dalxiiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor