Nin u dhashay dalka Turkiga oo khabiir ku ah farsamaynta Mobayladda ayaa la sheegay inuu 15-kii sanno ee ugu dambaysay bilaabay inuu kaydsado mobaylo wadartood guud dhan tahay 2,000 oo xabbo.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Ekrem Karagüdekoğlu, waxa uu deggan yahay magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbul, waxa uu sheegay inuu seexdo isla qolka uu ku kaydiyo noocyadda kala duwan ee Mobayladda uu soo ururiyey 15-kii sanno ee la soo dhaafay.
“Waxaan ku kaydiyaa Mobayladda qolka aan seexdo, waxay ila mid yihiin carruurtayda, Dareenkayga jacaylak ee aan u qabo lama qiyaasi karo, lamana sheegi karo” ayuu yiri Farsama-yaqaankaasi.
Noocyadda Mobayladda uu kaysaday waxaa ku jira nooca asalka ee Mobaylkii loo isticmaalay Filimkii “The Matrix Reloaded” ee caanka baxay sannadkii 2003-dii.
Farsama-yaqanka Mobaylada ee Ekrem Karagüdekoğlu waxa uu haatan kaydsaday mobaylo uu sheegay inay qiimahooda guud gaarayo 2.5 million oo Euro, kuwaasi oo uu door-biday inuu barbar seexdo.