Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee halkaasi ka socotay labadii bilood ee la soo dhaafay.
Illaa 25 kursi ayaa taalay Beledweyne, waxana horey loo doortay 23 xildhibaan, iyadoo maantana la dooran doono xildhibaan kale.
Dhinaca kale Muqdisho waxa maalintii sedexaad ka socota shahaado siinta iyo diiwangalinta xildhibaannada cusub ee kamid noqonaya Barlamaanka Soomaaliya.