In ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan aya u baxsaday dalka deriska la ah ee Tajikistan, kadib iska horimaad dhexmaray iyaga iyo xooggaga Taliban, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.
Saraakiisha ilaalada xuduudda ee Tajikistan ayaa sheegay in askartaas ay dhinacooda u soo tallaabeen si ay “naftooda u badbaadiyaan.”
Todobaadyadii la soo dhaafay, xooggaga Taliban ayaa waday dagaallo culus oo ay ku qabsadeen deegaanno horleh. Arrintan ayaa loo aaneynayaa ka bixitaanka ciidamada NATO ee laabankii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa Afghanistan.
Xilli inta badan ciidamada NATO ay dalkaas ka baxayaan ka hor bisha September ayaa waxaa jira walaac ah in burbur uu qarka u saaran yahay milateriga Afghanistan.