Kumanaan Askar u dhalatay Uganda oo soo gaaray Muqdisho.

Ilaa dhowr Duullimaad oo ay la socdeen labo kun oo Askari oo u dhalatay dalka Uganda ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray magaalladda Muqdisho.

Duullimaadkii ugu horreeyey ee Ciiddankaasi waxay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka soo degeen Waaberigii hore ee maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, waxaana soo dhaweeyey Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sam Okiding.

Afhayeenka u hadlay Milliteriga Uganda, Kabtan Flavia Telimulungi ayaa u sheegay Wargeyska The Monitor inay ciiddanka cusub beddeli doonaan Guuto kale oo muddo hal sanno ah joogtay Somalia, kuwaasi oo uu hoggaaminayey Colonel Silver Aguma.

Ciiddanka cusub ee Uganda ayaa la dejiyey Saldhigga Dhexe ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Carbiska oo 40 KM u jirta magaalladda Muqdisho.

Ciiddanka Uganda ee jooga Somalia ayaa ah kuwa ugu tirada badan Ciiddamadda kale ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Bishii September 3-dii ee sannadkii hore, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Saldhig ay Ciiddanka Uganda ku lahaayeen Degaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose, waxayna halkaasi ku dileen Askar badan.

Alshabaab waxay sheegeen inay weerarkaasi ku dileen ilaa 50 Askari oo Ugandese ah, inkastoo Taliska Ciiddankaasi sheegay in laga dilay 19 Askari oo keliya.

Xigasho: Daily Monitor, Uganda

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor