Ciidamada AMISOM iyo kuwa al Shabab ayaa xalay madaafiic isku weeraray kadib markii dhowr madfac lagu tuuray fariisimo ay AMISOM ku leedahay Degmada Leego ee Gobolka Shabeelada Hoose oo 130 KM u jirta Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay la maqlayay dhowr qarax oo culculus oo ay dadka ku sheegen madaafiic jawaab ah oo ay AMISOM ku garaacday deegaano hoostaga Leego.
Weli lama ogga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Madaafiicdasi,balse AMISOM ayaa ka cabsi qabta in markale ay weerar xoogan ku soo qadan Ciidamada Al Shabab.
Al Shabab ayaa weerarkii ugu xooganaa ku qaaday Saldhiga AMISOM ee Deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo,halkas oo lagu dilay ku dhawaad 200 askarta Kenya ah.