Waxaa Goordhow si rasmi ah u furmay Kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa xaadirtay 164 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiiradda amniga iyo Gaashaandhiga ayaa ku sugan hoolka Xarunta Golaha Shacabka iyo Taliyaasha Ciidamada Xoogga, Booliiska iyo Asluubta .
Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka.
Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah u qaaday in Warbaahinta ay goobjoog ka noqoto kulanka Maanta ee looga hadlaayo xaalada amniga dalka,waxaana u codeysay in Saxaafada kulanka ay dib joog ka noqoto104 xildhibaan,halka ay diideen 42 xildhibaan oo kaliya.
Wariyaasha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan hoolka Baarlamaanka ayaa soo sheegaya in khilaaf uu ka dhashay codkii loo qaaday warbaahinta ee ahaa in dibad joog ay ka noqoto kulanka,hayeeshee uu weli khilaaf ka taagan yahay arrintaas.