Kulan xasaasi ah oo u socdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare

War Goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu u socdo kulan deg deg ah.

Hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa  haatan waxaa ku sugan guddoomiye Cabdi Xaashi iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada aqalka Sare,waxaana ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka.

Warbaahinta ayaa kulankaas banaanka ka joogta,waxaana la filayaa in Goordhow kulanka waxyaabaha ka soo baxaya faah faahin laga bixiyo.

Kulankaan ayaa waxaa ka horeeyay in Xoghayaha Golaha Shacbaka Cabdi Kariin Buux uu sheegay qoraal uu soo saaray in uu buray mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor