Kulan u socda Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wakiilka QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa waxa uu kulan wada tashi ah haatan ugu socdaa Magaalada Jowhar.

James Swan, oo ay wehlinayaan Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika , Francisco CJ Madeira, iyo La-Taliyaha Sare ee Urur-Goboleedka IGAD , Jamaal Axmed Ibraahim, ayaa sidoo kale lagu wdaa in ay kulamo la qaataan Odaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada si ay Gacan ugu geystaan geeddi socodka doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan 2020-ka iyo qaabkii loo wajihi lahaa.

Madaxda ka socota Wakiilladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Shalayto Magaalada Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed, C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), Odayaasha iyo wax garadka, iyagoo sheegay in ay mari doonaan dhammaan maamullada Dalka ka jira, si ay isula fahmaan qabashada doorasho Qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media