Mareykanka oo ku dhawaaqay Arrin ka dhan ah Sacuudiga

Dhammaan tababbarka  shaqaalaha milatari ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kana socda gudaha dalka Mareykanka aya la joojiyay illaa amar dambe, ka dib kolkii arday u dhashay dalkasi uu xarun ciidan oo ku taalla gobolka Florida uu ku dilay saddex badmaax oo Mareykan ah.

Go’aanka ka soo baxay xarunta Gashaandhigga Pentagon-ka wuxuu saameyn ballaaran ku yeelan doonaa shaqaalaha Sacuudiga,iyadoo dalka Maeykanka ay joogaan arday gaareysa 3-boqol oo tababar xagga duulimaadka ah u jooga halkaasi,

Go’ankaasi oo sidoo kale saameynaya tababarada la siiyo ciidamada lugta ,ayaa la sheegay goor dambe In ay sii socon doonan tababarada ku saabsan barashada luqadda Ingiriiska.

Sarkal ka tirsan Pentagonka ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi la qaday ay ujeedadoodu tahay sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa hannaan amni oo khuseeya  dhammaan 5-ta kun ee arday ee ka socda caalamla ee ku sugan Mareykanka.

Mohammed Alshamrani oo 21-sano jir ah darajadiisuna tahay laba xiddigle ka socda ciidamada Cirka Boqortoyada Sacudiga aya rasaas ku furay cidan ay isku fasal ahaayeen oo wax ku baranaayey xarunta Pensacola ee gobolka Florida,wuxuuna halkaasi ku dilay 3-ruux,isagoo dhaawacay 8-kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media