Dhexdhexaadin ay Dowladda Ethiopia garwadeen ka ahayd ayey isugu keentay Sii-hayaha Xilka Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Labadaasi Hoggaamiye waxay Kulan qaatay muddo 6 saacadood ku yeesheen magaalladda Addis Abeba, wuxuuna Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday Shariif Xasan looga dalbaday inuu uga tanaasulo Murashaxnimadiisa Madaxweynenimo.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Radio Dalsan u sheegay inuu Shariif Xasan ka gaabsaday codsiga uga yimid Sii-hayaha Madaxweynaha DFS oo uu kaga dalbaday inuu isaga u tanaasulo iyo inuu Shariif Xasan isku soo sharxo doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka oo lagu wado inay dhacdo bisha Janaayo 5-da ee sanadka 2017-ka.
Markii uu Kulanka Labadaasi Hoggaamiye fashilmay ayuu mid kasta ka soo dhoofay Addis Abeba, iyadoo Madaxweyne Xsaan ku soo laabtay Muqdisho, halka Shariif Xasan uu ku haray magaalladda Nairobi.
Waa Isku-daygii Labaad ee ay Dowladda Ethiopia ku dhexdhexaadinaysay Labadaasi Hoggaamiye , iyadoo la filayo in Doorashadda Madaxtinimadda qabsoonto bisha soo socota ee January 22-da.
©Radio Dalsan