Kulan looga hadlay Sharciga Xisbiyada Dalka oo Maanta la qabtay 

Guddiga Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Maamulada Goboladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socday xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Guddiga iyo xubnaha ka socday xisbiyada ayaa ka wada hadlay sharciga xisbiyada oo hada uu gacanta ku hayo guddiga.

Xubnihii ka socday xisbiyada ayaa guddiga la wadaay talooyinkooda ku saabsan sharciga xisbiyada.

Guddomiye ku xigeenka guddiga ahna kusimaha guddoomiyaha Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) oo kulanka shir guddoominaayay ayaa xubnaha xisbiyada ugu mahad celiyay talooyinka ay soo bandhigeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media