Somaliland oo Deeq Caafimaad kala wareegtay DP World

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaacil Saylici iyo xubno ka tirsan Guddiga Xakamaynta xanuunka halista ah ee COVID-19 ee Maamulkaas ayaa Maanta agab Caafimaad kala wareegay Shirkada DP World.

Agabkan caafimaad ee loogu talagalay COVID-19 ayuu Madaxwayne ku xigeenka xusay in uu wax wayn ka tari doono baahiyaha loo qabo wakhti xaadirkan agab caafimaad.

Sidoo kale agaasimaha Wasaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi xergeeye ayaa Sheegay in ay shirkada DP World si dhaw ula shaqayso Wasaradda Horumarinta Caafimaadka.

Ugu dambayn Guddiga xakamaynta COVID-19 ayaa uga mahad celiyay shirkada DP World Sida ay marwalba u garab taagan tahay Maamulka Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media