Taliyaha qaybta Boliska Gobolka Raas-Casayr ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa shir Guddoomiyay Shirka Khamiislaha ah ee Amniga Gobolkaasi oo Maanta ka qabsoomay degmada Caluula.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Raas-Casayr G/Sare Fu’aad Mohamud Hussein oo uu weheliyo Taliye ku xigeenka qeybta Gaashanle Cali Saciid ayaa Warbixino ka dhageystay Sarakiisha Ciidanka Booliska Gobolka.
Shirkaan ayaa diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay ee Todobaadkan, waxaana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha Turbu-tariyada CID iyo kuwa Dagmooyinka kuwaas oo ka waramay shaqooyinka Guud ee Amaanka
Taliyaha qaybta gobolka Raas-Casayr G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen ayaa ku amray Sarakiisha sida ay heeganka ugu jireen shaqda Amniga Gobolka iyo la dagalanka dambiyada ka dhaca Badaha iyo jiriifka sharci darada ah mukhadaradka Guud ahaan aminiga Puntland.