Nin hubeysan oo Dad ku laayay Dukaan ay inta badan Soomaal ka shaqeyso

Nin hubaysan ayaa dad ku laayay Dukaan ay inta badan Soomaalidu ka shaqayso gudaha Mareykanka

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, kaddib markii uu nin hubeysan xabad ku furay goob laga Dukaameysto oo ku taalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Shirkada ninka hubeysan uu xabadaha ka furay ayaa ah shirkad inta badan dadka soomalida ah ee ku nool mareykanka ay ka shaqeeyaan.

Nin la rumeysanyahay inuu yahay maamulaha bakhaarka Dukaankaas, ayaa furay rasaasta kahor intuusan isna is dilin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor