Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay Nin lagu tilmaamay laba wejiile

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo Isniin ah bilowday dhageysiga kiiska Nin lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Al-shabaab, uuna ka howlgalayay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Farxaan Maxamuud Xasan oo ah Nin lagu eedeeyay la shaqeynta Al-shabaab ayaa kal horey isku soo dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Balad-xaawo, isagoo xiligaas kasoo goostay Shabaab uu kamid ahaa.

Ciidamo dharcad ah ayaa la tilmaamay inay soo ogaadeen fariimo uu eedeysane Farxaan Maxamuud la wadaagay Al-shabaab, kuwaasi oo ku aadan habka ay u shaqeynayan Ciidanka dowladda Federaalka.

Xeer ilaaliyada guud ee Ciidamada C/llaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda kahor sheegay in eedeysane Farxaan Maxamuud uu ka tirsan Al-shabaab, isagoona ku tilmaamay inuu ahaa laba wejiile, wuxuuna Maxkamadda ka dalbaday in cadaaladab la marsiiyo eedeysanaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Maxkamadda ay Go’aan kasoo saari doonto kiiska loo heysto Farxaan oo horey isugu dhiibay Ciidanka dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media