Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland oo ka dhacay Magaalada Garoowe.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga Puntland, waxaana Shirka inta uu socday looga hadlay amniga guud ee deegaanada Puntland iyo shaqooyinka amniga ee socda.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo, iyadoona Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu faray Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dardar-gelinta howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.
Kulankan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay falal amni darro ka dhaceen Magaalada Garoowe, kadib markii weerar lagu qaaday Guriga uu degan yahay Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal iyo weeraro kale oo xiriiray muran dhul.