Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka ayaa ahaa mid xal loogu raadinayey sidii loo qaboojin laha khilaafka ka dehx jira guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo laba u kala qeybiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kulanka oo saacado qaatay ayaa ugu dambeyn lagu kala tegay,iyada oo aan wax natiijo ah ka soo bixin sida aan ka helnay illo ku dhaw dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa warar soo baxayey ay sheegayeen in ay jireen shuruudo gudoomiyaha Golaha Shacabka uu lahor tegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse u cuntami weysay taas oo kentay in kulanka lagu kala tago.
Markla laga soot ago kulanka ayaa waxaa Duhurnimadii Maanta gudoomiye kuxiegenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey uu afrriimo uu Xildhibaannada ku wargelinayey u diray in Beri dood laga yeelan doono mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.
Waxaa haatan gebi ahaaba meesha ka baxay dadaaladii lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka hareeyey Guddoonka Golaha Shacabka,balse waxaa macquul ah in Maalinta berito ah uu baaqdo kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya.