Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay weerar xoogan ku qaadeen shaqaale dhisayay waddo ku taalla inta u dhexeeysa Gobolka xeebta ah ee Lamu iyo deegaanka lagu magacaabo Garsen.
Al-shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada ka haayay shaqaalaha la weeraray ayaa waxaa la sheegay inuu dhexmaray dagaal socday muddo kooban oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe uu istaagay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Lamu Moses Murithi ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen shaqaalaha dhisayay waddada isku xirta Lamu iyo deegaanka Garsen.
Waxaa uu sheegay Taliyaha Booliska inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana wax Khasaaro ah uusan soo gaarin Ciidankii Ilaalada ka haayay Shaqaalaha.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Lamu Moses Murithi ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Kenya ay ilaalin doonaan gaadiidka rakaabka ah ee u socdaala Gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya.
Si kastaba Al-shabaab ayaa kal horey weerar loo adeegsaday qaraxyo ku gubay gaadiid siday Shixnad Shamiinto, kuwaasi oo ay laheyd Shirkadda dhiseysa waddada u dhexeeysa Gobolka Lamu iyo Garsen.