Waxaa Maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 15-Bisha Jun lagu wadaa inuu si rasmi ah u bilowdo kulamadii ay yeelan jireen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa fasaxii tobanka dambe ee Bishii Ramadaan iyo Ciidul fitriga.
Kulanka Maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhacayaa Xaruntooda Golaha Shacabka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay ah akhrinta 1-aad wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka,waxaana Xildhibaanada xalay loo diray fariimo ku aadan in uu jiro kulan,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalla Sharciyo badan,kuwaasi oo ay meel marin doonaan,waxaana tobobaadkiiba ay kulmaan saddex maalin oo kala ah Sabti,Isniin iyo Arbaco, marka laga reebo kulamada deg deg ah ee la isugu yeero.